Skolbanken – inspiration och utveckling från hela landet

Sheeko xariir

Skapad 2021-02-02 11:09 i Skäggetorpsskolan Linköping
Sheekada Caraweelo
Grundskola F – 6 Modersmål
Sheekadaan waxa ayku saabsan tahay, Caraweelo.

Innehåll

Related image

Sheekada Carraweela waa sheeko ku xoog badan taariikh-afeedka Soomaalida, waxaana loo wariyaa siyaalo kala duwan. Dadka qaar waxay ku sheegaan boqorad Soomaaliyeed oo waayo hore ka talin jirtay qeybo ka mid ah Soomaaliya. Waxay caan ku noqotay ragga oo ay xaniinyaha ka bixin jirtay iyo dumarka oo ay xuquuqdooda difaaci jirtay una dagaallami jirtay. Sidaas darteed, ilaa maanta xabaasheeda raggu markay ag maraayaan waxay ku tuuraan dhagax ay u la jeedaan kohasho iyo necbaan, dumarkuna waxay ku tuuraan laamo qoyan ama ubax ay uga gol leeyihiin bogaadin iyo u-riyaaqidda samihii ay dumarka taaran jirtay.
 
Dadka qaar baa qaba inaysan dhab ahayn ee ay Carraweelo tahay sheeko xariiro la mala-awaalay, waxayse aniga i la tahay inay ahayd boqorad jiri jirtay, sheekadeedana ragga Soomaalidu qalloociyeen iyadoo ay ugu wacan tahay colaaddii ay u qaadeen. Dhanka kale, suurtogal maaha inay ragga wada dhufaani jirtay, waayo waa la tirtirmi lahaa, illeen tarani ma jirtee. Haddaba sheekada Carraweela oo suuragalka u muuqata waa sidaan:
 
Xilli ku beegan intii lagu jiray qarnigii kowaad ee Masiixiga Hortiisa ayaa waxaa jirtay gabar dhalan iyo dhug isku darsatay kana dhalatay qoys reer guuraa ahaa oo la oran Ceebla’. Gabadhii waxaa guursaday nin waxayna u dhashay labo wiil. Seygii Ceebla’ iyo labadii wiilba waxaa lagu dilay dagaallo dhex maray qolodoodii iyo qolooyin ay colaadi dhex martay, xoolihiina waa laga dhacay. Sidii dhaqanku ahaa walina yahay gabadha laga dhinto waxaa dumaali jiray nin xigto u ah ninkii dhintay, taas oo loo la jeedo in carruurtii iyo xoolihii uu ka baxay ninkii dhintay la ilaaliyo si aan nin qalaad u soo dhex gelin oo uusan agoonta uga faa’iidaysan. Ceebla’ nin ka soo jeeda xigtadii seygeedii geeriyooday way wayday, cayrna way noqotay illeen waa la dhacaye. Haddaba iyadoo faro maran bay aadday reerkii ay ka dhalatay. Waayahaas haweeneey garoob ah la ma guursan jirin. Sidaas darteed qoyskii ay ka dhalatay Ceebla’ ma jeclaysan gabadhooda garoobka ah oo aan waxba u goynin amaba laga guursanayn, waxay sidaas awgeed Ceebla’ reerkoodii ku noqotay culays soo kordhay. Markii ay aragtay sida arrimuhu yihiin bay go’aansatay inay ka tagto qoyskeedii waxayna noqotay ugaarsato ama dabato iskeed u nool. Muddo yar kadib waxaa ku soo biiray dumar ay isku gedo ahaayeen oo garoobbo ahaa, si joogto ah bayna tiradoodu u soo kordhaysay ilaa ay noqdeen cudud xoog leh.

Waayahaas qolooyin baa dadku ahaa, qolo walbana dhinicii ay ka itaal roon tahay waa ku duuli jirtay oo dhici jirtay, sidaas awgeed waxaa soo weeraray is-bahaysigii dumarka rag dumarka midoobay quursanaayay, waxay haystaanna rabay inay ka xoogaan, waxayse dumarkii ka hor geeyeen iska-caabbin lixaad leh wayna jabiyeen cololkii soo weeraray. Waxay Ceebla’ dagaalladaas ka muujisay geesinnimo iyo dagaal-yahannimo, waxayna dumarkii u doorteen hoggaamiso. Waxay Ceebla’ dumarkii u hoggaamisay si wanaagsan, waxayna ku dadaashay hubayntii dumarkaas si aan mar dambe loo soo haweysan, waxayna yeelatay naanaysta Carra-Weela oo macnahu yahay ‘Tii-Aagga-Habaysay’. Markaas kadib waxaa si joogto ah ugu soo biiraayay ururkii haweenka ahaa kooxihii ama qolooyinkii laga itaal roonaa oo door biday hoggaaminta Carraweela iyo maamul wanaagga ay ku hagaysay intii ay madaxda u ahayd. Carraweelo waxay ku dadaashay amniga iyo barwaaqeynta dadkii ay hoggaamisada u noqotay. Waxaa loo wada bogay waxtarkeedii, waxayna dadkii ka dhigteen boqorad.

Waayahaas, waxaa jiray colaado ba’an oo qolaba qolo ku foognayd ilaa dalkii oo dhan noqday midaan xasilloonayn. Sidaas darteed, Carraweela oo markaan ah boqorad awood ciidan leh, waxay go’aansatay inay silica dadka haysta wax ka qabato. Waxay la tashatay xubnihii waxgaradka ahaa oo rag iyo dumarba lahaa, waxayna go’aansadeen in ergo loo diro qolo kasta oo colaad u taagan, loona sheego inay nabad qaadato, isla markaasna loo sheego dhinicii diida nabadda in boqoradda ciidankeedu ku soo duuli doono. Qorshihii Carraweela waa lagu guulaystay oo colaadihii waa istaageen, dadkiina barwaaqo iyo ladnaan buu galay. Intii ay wadday Carraweelo ololihii ay dalka wax uga qabanaysay bay dhistay dhismo dhagax ka samaysan oo weyn oo ay ku xarayn jirtay raggii nabad-diidka ahaa, waxaana lagu xiray rag badan. Muddooyinkii xabsiga lagu jiray baa la is la dhex-maray in Carraweelo ragga dhufaanto, iyadoo raggii waayahaas joogay ay la ahayd inaan naag, nin u xirnaan karin asagoo xaniinyihiisii qaba. Markii ay Carraweelo maqashay wararka dhufaanidda bay la noqotay in tuhunkaasi uu waxtar leeyahay, waayo ragga baasa-abuurka ah ee laga nasan waayay baa biqi doona bay is tiri. Sidaas darteed, waxay ku dadaashay xoojinta warkaas tuhunka ahaa, waxaana sidaas ku hirgalay sheekadii Carraweela iyo raggay dhufaani jirtay.
 
Intii ay Carraweelo talinaysay waxay dadka ku haysay gacan bir ah, waxaana dhammaaday colaadihii iyo qalaalasihii joogtada ahaan jiray. Waxayse raggii Soomaaliyeed oo waayahaas joogay la noqotay inay gumoobeen oo ay naagi ragannimadoodii baabi’isay, sidaas bayna ugu qaadeen Boqorad Carraweela colaad iyo necbaan joogtowday oo ilaa maanta socota. Raggii caanka noqday oo loollan dadban la galay boqoradda waxaa ugu darnaa nin la oran jiray Oday Biiqe, kaas oo ahaa nin garaad badan, laakiin fulay ahaa, wuxuuna mar walba maleegi jiray waxyeellaynta Carraweela, ugu dambayntiina dhagartiisii baa lagu dilay boqoraddii caanka noqotay.
 
Sida la sheegay Carraweela waxay degi jirtay xilliyada xagaaga iyo guga meel la oran jiray Hawraartiro, inta lagu jiro xilliyada diraacda iyo dayrtana meel la oran jiray walina la yiraahdo Ceelaayo. Waxaa kaloo jirta meel la yiraahdo Jeex-Carraweelo oo u ogog leh tuulada Ceelaayo. Waxaa is la Ceelaayo ku taal kur la yiraahdo Taallo-Tiirriyaad, dadka degaankuna u yaqaan Maanla’, waxaana la filayaa in kobtaasi tahay xabaashi Boqorad Carraweela. Waxaa kaloo jira sheekooyin lala xiriiriyo Carraweela waxaana ka mid ah:
 
1. Waxaa la yiri Carraweelo waxay lahayd xoolo badan iyo rag wada dhufaanan. Waxay ahayd baa la yiri naag aad u buuran oo ur aad u qurmuun uu ka soo kankamo, waxaana ku adkaa inay dhaqdo dhabarkeeda. Haddaba maalin bay u yeertay mid ka mid ahaa kuweedii dhufaannaa, waxayna ku tiri dhabarka ii dhaq, waxna ha iga sheegin, markaad sidaas yeeshana waxaan ku siinayaa weyshii uu dhalay sacayga Ina Feyd. Ciniinkii wuu yeelay arrintii. Intii uu dhabarka u dhaqaayay Carraweelo buu yiri: urna loo dhimay, ufna la ma oran karo.! Markaasay ku tiri; Ina Feyd fallaar dhac, wayna cayrisay.

2. Waxaa la yiri; waxay Carraweelo mar walba xujayn jirtay ragga taladeeda hoos jooga, haddaba maalin bay inta shirisay raggii ku tiri; ii keena maqaar labada dhinacba dhogor ku leh. Waxaa lala yaabay sida loo heli karo maqaarkay dalbatay Carraweelo. Waxay raggii u tageen Oday Biiqe oo meel qarsoodi ah ku dhuunta, waxayna weyddiiyeen talo. Wuxuu ku yiri dameer dhegtiis soo gooya oo u geeya, xujadiina sidii bay ku furantay.
4. Maalin bay dadkii isugu yeertay, waxayna ku tiri; waa inaad ii keentaan awr ay ku hilan tahay hoobaan/miro oo aan wax raro ah ama xargo ah aan lahayn. Markii ay fahmi waayeen sida ay suurtogal u tahay ku-hilitaanka miro awr aan la saarin agab noocuu yahayba bay u tageen Oday Biiqe. Wuxuu ku yiri; awr caddaysina geeya meel dhoobo leh, kadibna ha ku galgalimaysto goobtaas dhoobada qoyan leh, markaas kadib mirihii ku dhooba awrka dushiisii dhoobadu ka buuxda. Sidaas bay xujadii ku furantay.
 
5. Maalin bay raggii isugu yeertay oo ku tiri; waxaan rabaa inaan taallo qaanso ah dhiso oo aan xuso guushii aan ka guulaystay cadawgaygii aan dhawaan ka adkaaday ee waa inaand dhistaan dhismo-qaanseed le’eg qaanso-roobaad. Waxay ku wareereen sida ay u dhisi karaan dhismo qaanso-roobaad le’eg. Waxay u tageen Oday Biiqe, wuxuuna ku yiri; ku noqda naagtii oo weyddiista cabbirihii aad ku jaangoyn lahaydeen dhismaha, xujadiina sidaasay ku furantay.
 
6. Waxaa la yiri; waxaa jiray ceel ay xoolaha iyo dadkuba ka wada cabbi jireen oo meelo fogfog looga soo aroori jiray. Maalintii dambe ayay Carraweelo ceelkii dhex fariisatay iyadoo ku qabaysanaysa, xoolihii iyo dadkiina waxaa qasab ku noqotay inay sugaan inta ay boqoraddu mayranayso. Markay sugeen dhawr maalmood bay ku yiraahdeen; Carraweelo xoolihii oon bay la liitaane, ceelka aan ka waraabinnee fadlan ka soo bax, waxay ku tiri; "mantana far baan dhiqiye ha fadhiyo geelu". 
 
7. Waxaa la yiri; waxay Carraweelo ogaatay in nin wax-yaqaan ah oo aan dhufaannayn uu xujooyinkeeda furfuro una maleego dhagar, wayse heli wayday meesha uu ku dhuunto, waayo raggii baa ku qarin jiray kuna meelayn jiray meelo aysan marna u malayn karin. Marka degmadu guurto waxay saari jireen baa la yiri awr ‘guumis ah’ oo ciddiyo madow, waayo awrka noocaan ah wuxuu ahaa mid xoog badan. Marka la degaayo waxay Carraweelo fiirin jirtay awrka marka la fariisinaayo cabaada iyadoo rumaysnayd in awrkii lafo rag saaran yihiin uu culayska la cabaado. Guumiskii ma cabaadi jirin ee awrta kalaa qaar cabaadi jiray, sidaasuuna ku badbaadi jiray Oday Biiqe.
 

5. Waxaa la yiri Carraweelo nin ay markaas gabar u lahayd bay amartay in la dilo iyadoo ka baqaysay inuu afgambiyo. Gabadhii markay kortay waxay ka carootay siyaalaha hooyadeed u la dhaqanto ragga. Maalin maalmaha ka mid ah bay gabadhii si qarsoodi ah u la kulantay Oday Biiqe oo markaas ahaa duq gaboobay iyo labka kaliya ee aan dhufaannayn, wuuna uureeyay oo wiil bay dhashay. Gabadhii oo ka baqday in hooyadeed wiilkeeda disho baa tiri; hooyo intuu yar yahay iska daa ariga ha noo raacee, wayna yeeshay hooyadii. Markuu soo xoogaystay bay ku tiri; hooyo noo daa geela ha inoo raacee. Markuu wiilkii noqday nin xoog leh bay gabadhii tiri; hooyo noo daa inta uu naga difaacayo cadawgeenna. Wiilkii wuxuu noqday nin dagaalyahana, mar walbana wuxuu wadan jiray labo waran iyo gaashaan dheeg wiyileed ka samaysnaa. Markuu ogaaday in ayeydiis khatar ku tahay buu baxsaday oo kaymaha hooy ka dhigtay. Markay Carraweelo ogaatay siduu yeelay inankay ayeyda u ahayd waxay ku calaacashay: bal doqonnimadayda maan dilo intuu i ag joogay, waxayna amartay in la soo qabto oo la dilo. Wiilkii hooyadiis baa u digtay, waxayna u sheegtay in uu  aabbihiis yahay Oday Biiqe, waxayn ku tiri; kaymaha ka raadi oo isu sheeg talana weyddii waa nin waxgarad ahe, sidii buuna yeelay. Aabbihiis wuxuu u sheegay in ayeydiis tahay boqorad xun oo raggii wada dhufaantay, asagana rabto inay disho. Wuxuu ku yiri; ceelka xooluhu ka cabbaan ardaa ka ag samee. Markaas kadib, ayeydaa ku martiqaad adigoo u sheegaya inaad la heshiinayso waxay doontana u yeelayso. Markay kuu timaado isu dabcin oo yaysan kaa shakiyin. Markay fariisato labadaada waran midkood ku tumaati. Haddii ay markaas tiraahdo; ‘hoogay oo ba’ay’, waa naag aan awood lahayne ogoow, haddiise ay tiraahdo; ‘way oo way’ waxay maaggan tahay dagaale waranka kale ku tumaati. Carraweelo way oggolaatay martiqaadkii inankii ay ayeyda u ahayd, waxayse damacsanayd inay disho, si ay sidaas u samaysana waxay ciidankeedii gelisay meel geedo leh oo u dhawayd meeshii ardaaga looga dhisay, waxayna ku tiri; ku soo booda markaan idiin baaqo. Wiilkii wuxuu ogaaday in ayeydi ciidan u diyaarisay agagaarkana ku gabbanayo, sidaas darteed, isla markii Carraweelo u timidba waran buu ku dooxay, waxayna tiri; ‘hoogay oo ba’ayey’, waran dambana u ma uusan celin. Markaas kadib wuxuu u tagay ciidankii oo wali gabbashadii ku jira, wuxuuna u sheegay inuu dilay haweenayd halista ahayd. Markii dambe waxaa Carraweelo aasay dumarkii waxayna ka dul dhisheen taallo.

Waxaa kaloo la sheegaa inay Carraweelo ay dumarka kula talisay qodobbadaan soo socda:1. Wixii aad yeeli doontaan, marka hore diida. 2.Ina rag dantiisa ha ugu quminnina hagar-la'aan. 3.Gardarro ogaada,boohina ku dara, garawshiiyo aad heshaane.

4. Cunno ogaada, qarsoodi ku dara, hungurisami aad heshaani.

Uppgifter

  • Caraweelo

Beröm eller ge feedback på det här materialet genom att skriva en kommentar här: