Skolbanken – inspiration och utveckling från hela landet

Vecka planering v.42

Skapad 2020-10-09 08:49 i Enheten för flerspråkighet Ale
Grundskola F Modersmål
Usbuucan v.42 waxaan ka hadli doonaa jirka aadanaha. waxaan au kala qaybin doonaa sedax qaybood. Qaybta koowaad waxaan ku eegi doonaa sida jirka aadmigu u dhisan yahay.

Innehåll

Aadmigu wuxuu ka kooban yahay jir isku dhisan oo ka kooban lafo, murqo iyo hilib.

Lafaha waa kuwa haya jirka oo u diida in uu isku shex yaaco. Qofku ma istaagi lahayn haddii aysan lafuhu jiri lahayn, wuxuuna ahaan lahaa sida maro oo kale. lafaha waxaa inta badan isku haya seedo, la mid suunka oo kale. qaarkood seedahaas waa kuwo aad u qafiif ah, qaarkoodna waa kuwo xoogan. ka sii aqri halkan.

HABDHISKA QALFOOFKA : SKELETAL SYSTEM.
_____________________________________
Habdhiskaan wuxuu ka kooban yahay 206_lafood, habdhiskani waxaa loo qeybiyaa labo qaybood oo kala ah:
1_ Lafaha Afarta addimood (Appendicular Skeletons) oo caddad koodu yahay 126_ Lafood.
2_ Lafaha kale ama Lafaha aan toosneyn oo dhan (Axial Skeletons) oo caddad koodu yahay 80_Lafood, waxaana ka mid ah : Lafaha Madaxa, Feeraha, Riciraha laf_ dhabarta, Legga, iwm ( iyo wixii lamid ah).
Lafaha aan toosneyn (Axial skeletons)
_____________________________________.
Lafahaan caddad koodu waa 80_ Lafood waxayna kala yihiin :
1= Lafaha Madaxa (Skull Bones) waa 28_ lafood.
2= Lafdhabarta(Vertebral Column) waana 26_ Ricirood.
3= Lafaha Feeraha( Ribs Bones) waana 24_ Lafood.
4= Lafaha Legga ( Sternum Bones) waa 1_ Laf.
5= Lafta Madaxa iyo Cunaha u dhaxaysa( Hynoid Bones) waa 1_ Laf.
Lafaha Madaxa ( Skull Bones ).
_____________________________
Lafahaani waa 28_ Lafood waxaana loo qeybiyaa seddex qeybood waxayna1 kala yihiin :
1= Lafaha Saqafka sare iyo gogasha maskaxda ( Cranial Bones or Cranium).
2_ Lafaha Wejiga ( Face Bones ).
3_ Lafaha Dhegaha ( Ear Bones ).

Uppgifter

  • Suaalo ku saabsan jirka aadmiga.

Beröm eller ge feedback på det här materialet genom att skriva en kommentar här: